Toronto oo ay ku dhufatay Dabeyl wadata Baraf iyo Roob xoogan iyo Qasaaro kadhashay+Sawirro

Waxaa Magaalada Toronto iyo guud ahaan Gobolka Ontario ee Dalka Canada ku dhuftay Dabeylo Xoogan oo Baraf iyo Roob wata kuwaas oo dhaliyay Qasaaro isugu jira Shilal Gaadiid fara-badan.

korontada ayaa  meelo badan oo Magaalada kamid ah ka maqan, iyadoona sidoo kale  si-kumeel-gaar ah loo hakiyay Duulimaadyadii Diyaaradaha ee Garoonka Magaalada Toronto.

Dadka ayaa waxaa ay ku jiraan Guryahooda iyaga oo aanan Banaanka u soo bixi karin.

Waxaa ka socda guud ahaan Magaalada Gurmad ay fidinayaan Gawaarida Gurmadka Deg Deg ah qaabilsan iyo Dowlada Hoose.

Wali waxaan sicad loo sheegin inay jiraan dad ku dhintay ama ku dhaawacmay Dabeylaha Barafka Wata ee ku dhuftay Dalka Canada.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here