TPLF oo markale gantaalo ku riday Eritrea

Qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Asmara Dekemehari, Gemehalo Nefasit ee dalka Eritrea.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay u muuqdeen weerar gantaalo ah oo dhanka TPLF ka yimid

Ma jiraan wax qasaaro ah oo ilaa iminka la sheegay .

Safaarada Mareykanka ee Asmara ayaa muwaadiniinta u sheegtay in aanay guryaha ka bixin

Sidoo kale safaarada ayaa bogeeda internetka ku qortay in qarax laga maqlay Asmara.

Dowlada Eritrea wali wax war arintan kuma soo saarin.

Labo isbuuc ayaa iminka laga joogaa markii TPLF ay sheegteen 3 gantaal lagu riday Asmara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here