Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiis dhanka Ganacsiga

1859

Dowladdaha Suudaan iyo Turkiga ayaa isku raacay iney dhaqan geliyaan Heshiis iskaashi oo kor u qaadaya ganacsiga ka dib booqasho taariikhi ah oo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku tagay magaalada Khartuum ee Caasimadda dalkaasi Suudaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa Axadii shalay gaaray caasimadda Khartuum,isagoo halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyay,wuxuuna socdaalkiisa qeyb ka yahay safaro kale uu ku tagayo dalal kale oo ku yaalo Qaaaradda Asia.

Madaxweynaha Turkiga ayaa la kulmay dhigiisa Suudaan Cumar Hassan Albashiir,wuxuuna Erdogan sheegay in labada dal ay gaareen heshiis ganacsi oo labo geesood ah oo ku kaceysa marka hore lacag gaareysa $500m sanadkii ilaa iyo $1bn,halka marka ugu danbeyso la gaarsiinayo $10bn.

” Waxaan dhiira gelineynaa ganacsatada si ay u maal gashadaan Suudaan,”Ayuu yiri madaxweyne Erdogan xilli uu ka hadlay shir jiraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen Cumar Hassan Albashiir.

Madaxweyne Erdogan ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Wadankiisan uusan si cad uga war heyn xaaladda dhaqaaale ee dalka Suudaan.

Wakaalada Wararka dalka Suudaan,ayaa ku warantay in Labada Hogaamiye ay ku heshiiyeen iney dhidibada u aasaan Kooxo qorsheeya istiraatijiyada si wada xaajood looga sameeyo Arrimaha dibadda iyo waliba Militariga si iskaashi labada dal uga sameeyaan Arrimaha Ciidamada amaanka.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here