Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Israel iyo Carabta.

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay heshiiska Baxreyn iyo Isreal wada gaareen. wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in heshiiskan uu dhibaato weyn ku yahay qadiyadda Falastiin.

“Waa talaabo kale oo Isreal ku dhiirigelinaysa in ay sii waddo ficillada sharci darrada ah ee ka dhanka ah Falastiin. waa arrin ka dhigaysa dhulka Isreal gumeysiga ku heysato in ay sii joogaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Turkiga ayaa si adag uga hor yimid xiriirka diblomaasiyadeed ee carabta iyo Isreal dhex maraya kaasi oo uu curintiisa uu lahaa Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump, oo doonaya in ay si buuxda Isreal uga mid noqoto Gobolka bariga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here