Turkiga oo Saldhig Ciidan ka furanaya Soomaaliya-(Sawirro)

22418

Dawladda Turkiga ayaa soo gabagabeysay qalabaynta Saldhig Millateri oo ay ku yeelanayso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Saldhigan oo ah kii ugu horreeyay ee uu Turkigu ka furto Qaaradda Afrika, aya  waxaa degi doona Ciidan Turki ah, kuwaasoo tababar siin doona Ciidamada qalabka sida ee Soomaliya, wuxuuna Ciidankani shaqayn doonaa waqti cayiman.

Saldhiggan, oo ay ansixisay Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu noqon doonaa Saldhigii labaad ee Caalamka uu ku yeesho Turkiga, marka laga reebo Saldhig ay xkuumadda Ankara ka furatay Bishii Abril ee Sanadkan Dalka Qadar , kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii iskaashiga ammaanka ee labadaas dal ay horay u gaareen.

Ciidan gaaraya 200 oo Askari, ayay Dowladda Turkiga keeni doontaa  Saldhiggeeda Muqdisho, kuwaasoo wajiga koowaad tababar siin doona 10,500 ( Toban Kun iyo Shan Boqol) oo Askar Soomaliyeed ah.

Dowladda Turkiga ,ayaa Shantii Sano ee ugu dambeeysay waxay Soomaaliya ka caawineysay dhinacyada Ciidanka iyo Bini’aaddannimada,mana ahan tallaabbadani mid wax u dhimmaysa iskaashiga Millatari iyo kan dhaqaale ee u dhaxeeya labada Dowladood.

Seurce;Daily Sabah

turki2

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here