Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Beledweyne

0
654

Allaha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif  ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugaas Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in uu ka qeybgalayay kulan muhiim ah kahor inta uusan geeriyoon, waxaana hadda socda kulan looga hadlayo aaska loo sameynayo Marxuumka oo ay ka qeyb galeen Maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada.

Allaha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan ayaa ka mid ahaa odoyaasha dhaqanka ee doorka fir fircoon ka soo qaatay xal u helidda dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka iyo meelo kale oo ka baxsan Hiiraan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here