Uhuru Kenyatta:Waa In Aad Isdajisan Ciidankena ayaa Xaaladda Gacanta Ku Haya.

0
997

M.weynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Qudbad u jeediyay Shacabka Dalkaasi islamarkaana ka hadlayay Weerarka argagixiso ee lagu qaaday Jaamacadda Garisa ayaa shababka Dalkiisa ugu baaqay in ay is dajiyaan.

Mr  Kenyatta ayaa hadalkiisa intaa ku daray in xaaladdu ay iminka ku jirto gacanta Ciidanka si foojiganna loola socdo xaaladda gobta balse shacabka looga baahanyahay in ay  la shaqeeyaan Hayadaha Ammaanka ayna ku soo wargalinyaan haddii ay dareemaan wax nabadgalyada Halis ku ah.

Dhinaca kale masuuliyiinta Dowladda Kenya ee Qaabilsan Dhinaca Amaanka ayaa gaaray goobta iyagoo sheegay in goor dhaw ay soo Afjari doonan Howlgalka lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Jaamicadda Weerarka ku qaaday.

Ciidamada Ayaa Go’doomiyay dhismahaasi  waxaana lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo in kabadan 160 Arday iyadoo wali ay jiraan tiro kale oo wali ku go’donsan gudaha jaamacadda Kuwaasooay ku jiraan Caruur iyo Haween.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here