UK oo Soomaaliya ugu deeqday malaayiin kaalmo dhaqaale ah oo hor leh

256

Danjiraha Britain, u jooga Soomaaliya, David Concar oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay kaalamadii dhaqaale ee dhowaan shaacisay Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May xilli todobaadkii hore booqasho ku mareysay sadex dal oo kamid ah qaaradda Afrika.

Safiirka waxaa wareystay wariye Cali C/raxmaan Aadan oo ka tirsan warbaahinta dowladda Soomaaliya:

Ambassador David Concar waxaa I noo faah faahisaa hadalkii Ra’iisul wasaare May ee ahaa kaalmo dhaqaale oo cusub in ay Soomaaliya ku bixin doonaan; lacagtaas waxaa ay tahay iyo meelaha lagu bixin doono?

Ra’iisul wasaaraha UK Theresa May oo dhowaan booqanaysay Kenya ayaa waxaa ay ku dhawaaqday sadex caawimaad oo cusub ee UK siinayo Soomaaliya, ugu horeyn 64 milyan  oo kaalo dhaqaale ayaa lagu caawin doonaan qoysaska Soomaaliyeed oo ay sameeyeen colaadaha, isbedelka cilmilada iyo sidii loogu sameyn lahaa qorshe soo kabasho oo waqti dheer ah.

Sidii shaqooyin loo abuuri lahaa sidii biyo nadiif ah u heli la haayeen, waraabka beeraha iyo helida baahida aas aasiga ah ee dadka u baahan yihiin; sida caafimaadka iyo waxyaabaha kale.

Waxaa intaas dheer 27 mliyan oo pound qeyb ka ah kaalmada cusub ee UK waxaa loo adeegsan doonaa helida siyaasad loo dhan yahay, doorashooyin xor iyo xalaal ah arrimaha geedi socodka dib u eegista dastuurka, lacagtaas sidoo kale, dowladda waxaa ay u adeegsan doontaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada 2020, xisbiyada siyaasadda iyo sidoo kale, waxaa lagu bixin doonaa khubarada dowlada  maamulada dalka ka caawinaya gaaritaanka heshiisyada sida; wadaaga kheyraadka wadanka iyo siyaasadda.

Ugu dambeyntii 7.4 milyan pound oo qeyb ka ah deeqda cusub ee UK ee Soomaaliya ayaa lagu bixin doonaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, si awood ugu yeeshaan sii wadidda howlgalkaas, si shaqada ugu hubsadaan ciidanka amniga ee Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah qorshaha dowladda federaalka ah.

Dhammaan arrimahan ayaa waxaa ay muujineyaan sida UK ugu go’an tahay xiriir adag oo iskaashi AFRIKA la yeelato qorshahaas waxaa qeyb ka ah Soomaaliya.

Waxaa si weyn u doo dhaweynaynaa isla markaana taageereynaa Ra’iisul Wasaare Khayre dadaalada muddo bilo ah uu waday oo ku saleysan qorshaha uu wadanka ugu qaabeynayo dejinta siyaasad loo dhan yahay, isbedel dhaqaale iyo wax ka qabashada arrimaha musuqa iyo sugida amniga, UK aad ayay u soo dhaweynaysaa talaabooyinkaas Ra’iisul wasaaraja qaaday, waxaana u aragnaa hor tabin wanaagsan.

Haddii Somaaliya, laga helo siyaasad xasiloon oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, xaqiiqdii waxaa ay aas aas u yihiin helitaanka shaqooyinka iyo maalgashiga dhaqaale mustaqbalka.

Laakiin haddii aan  qof Soomaali ahi si dhab ugu shaqeynin cirib tirka saameynta uu reebay musuqa ka dhashay dagaaladii  sokeeye, laga gaari karo waxa la doonayo oo ah horumar.

Haddii amniga la hagaajiyo waxaa abuurmaya jawi nabdoon markaas ayaana la heli karaa shaqo abuur iyo kobac dhaqaale.

Dhaqaalahaas aad sheegtay oo Soomaaliya loogu talagalay oo 64 milyan oo poun oo ka soo kabashada abaaraha loo qoondeeyay iyo 27 milyan oo pound oo lagu bixin doono arrimaha doorashooyinka, marka yaa maamuleya lacagtaas, ma dowladda toos loo siinayaa ama meelo kale ayaa la soo marsiin doonaa?  

lacagtan waxaa marsiin doonaan hey’adaha nala shaqeeya ee Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay dhaqaalaha UK ay sanadkasta ku bixiso arrimaha Soomaaliya, sanadkii hore UK waxaa ay bixisay 385 oo milyan pound, dhammaan arrimaha Soomaaliya sida; gargaarka, horumarinta dhaqaalaha, sugida amniga iyo kobcinta kaabiyaasha dhaqaalaha wadanka.

Waxaa sii wadi jirnay caawimaadka dhaqaale ee aadka u balaaran tanina waa qeyb kamid ah kaalmadaas.

lacagta waxaa la siin doonaa hey’adadaha kala duwan ee wada shaqeynta la leenahay ee gudaha jooga 64 milyan, 27 milyan oo pound waxaa la sii marin doonaa hey’adaha Qaramada Midoobay, 7.4 milyan kalena waxaa la sii marin doonaa sanduuqa caawimaadka AMISOM ee Midowga Yurub.

Laakiin aan iraahdo UK ayadoo qeybka ah Midowga Yurub waxaa ay si toos ah dowladda Soomaaliya u siin doonaa malaayiin lacag ah taas oo lagu kabi doona miisaaniyadda dowladda iyo dowlad goboleeyada 100 milyan oo EURO ayaa Midowga Yurub balan qaaday in miisaaniyada lagu daro lacagtaas 15 % kamid ah UK ayaa bixineyso.

UK sidoo kale, waxaa ay siisaa dowladda Soomaaliya ayadoo u sii marineyso Bankiga Aduunka, taas oo Banka aduunka si toos ah dowladda Soomaaliya u siiyo meeshaas lacago badan ayaa ku bixinaa.

AMISOM 10 sano u dambesay shaqo wanaagsan oo amni sugida Soomaaliya ah ayay qabteen, beesha caalamka kharash badan ayay ku bixiyeen, maxaa diidaya in lacagtaas faraha badan aad ku bixisaan dib u dhiska ciidanka Soomaaliya si mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan AMISOM?

Waa su’aal wanaagsan, aan kala cadeeyo UK intan dheeraadka ha oo keli ah kuma bixiso AMISOM sidoo kale  waxaan ku bixinaa horumarinta iyo dib u habeynta ciidanka qalabka sida ee Somaaliya oo ay ku jiraan ciidanka xooga dalka, waxaan dhaqaale ku bixinaa in ka badan 3kun oo kamid ah askasta ciidanka qalabka sida ee dalka, waana socon doontaa , waxaa sidoo kale lacag ku bixinaa dib u dhiska xerooyinka tababarada, si loo helo ciidan diyaarsan oo xirfadliyaal ah oo ilaalinaya xuquuqda aadanaha, si ay noqdaan kuwa u diyaarsan in ay la fal galaan xaaladda Soomaaliya.

Waxaa intaa wehliya oo aan rabnaa in AMISOM ay caawiso isla markaana wada shaqeeyaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, si ciidanka Soomaalida ugu suurtagasho in ay mas’uuliyada amni la wareegaan, sidaa darteen tani ma ahan kan taageer kaasna taageer, aragti ahaan waxaan qabnaa in labada dhinac aan taageereyno. Waxaana ku boorineynaa labada dhinac iskaashi iyo wadajir u shaqeyn.

Ilaa iyo hadd waxa aan Soomaalida ka la’nahay in ay wada shaqeyn xoogan oo dhex marta AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya, haddaan nahay beesha caalamka waxaa dhiirigelinaynaa xoojinta wada shaqeynta, taas ayaana aamisan nahay in ay keeni karto amni ay helaan ummadda Soomaaliyeed.

Dib u dhiska ciidanka waxaa qeyb ka ah qaadista cunaqabateynta hubka ee saran Soomaaliya muddo 30 sano ku dhow, UK waxaa ay kamid tahay dalalka xubnaha joogtada ah ku leh gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, Soomaalidu  ma ku taageereysaan sidii loo qaadi lahaa cunaqabateyntaas?

Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya waa arrin mudo dheer soo jirtay dadka dareen ayay ka qabaan anaga waan ognahay, qeyb ahaan ayaa la qaaday sanado ka hor si dowladda Soomaaliya awood ugu yeelato helitaanka hubka ayadoo ogeysiineysa Qaramada Midoobay. Sidaa darteed iminka dowladda Soomaaliya wax caqabad ah kama heysato helitaanka hubka, waxaa rabaa in aan kala cadeeyo cunaqabateynta hubka looma qaabeynin in dowladda hubka laga ilaaliyo.

Si loo qaado cunaqabateynta hubka beesha calamka waxaa ay u baahan tahay in ay aragto dadaal ku aadan oo lagu maamuleyo hubka Soomaaliya sidaa dardeed ma jirto hub la’aan iminka, waxaa yaala hub aad u tiro badan Soomaaliya, dhibaatada waxaa weeye sida loo hakameynaayo hubkaas, cid sharciga u leh in ay hub heysan karto yaa awood u leh hubka iyo maamulkiisa?.

Sidaa awgeed cunaqabateynta hubka waa maamulida iyo maareynta hubka Soomaaliya, anaga waxaan ka shaqeynaa hadda sidii arintaas loo xoojin lahaa, Baydhabo ciidan ayaa ku tababarnay waxaa la baray diiwaan gelinta hubka iyo maareyntiisa.

Dowladda waxaa ay ku mashquulsan tahay horumarinta dhaqaalaha wadanka gaar ahaan kordhinta dhakhliga gudaha iyo la dagaalanka musuq maasuqa, sidee u aragtaan tallaabadaas?

Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay shaqo abuur, maal gashi waxaas oo dhan waxa ay ku imaan karaan marka la dhaqan geliyo dib u habeynta dhaqaalaha wadanka, siyaasad loo dhan yahay la dejiyo, musuqa lala dagaalamo iyo amnigana la sugo. Dib u qaabeynta maaliyadda waa mudnaanta dowlada iyo dowlad goboleedyada in canshuurta si sax ah loo aruuriyo isla markaana si mas’uuliyad leh loo wado shaqada.

Waqti xaadirkan madaxda Soomaalida awood uma lahan in ay canshuurtii ay u baahnaayeen soo aruuriyaan, sidaa awgeed waxaa jira qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha si dowladda federalka canshuur badan u soo xareyso, waxaa loo baahan yahay in shaqadaas la dardargeliyo si adeega loo bixiyo amniga soo sugo.

Qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha wadanka ee ajendaha ugu weyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, aad ayaan u soo dhaweynaynaa hor tabintaas, waxayna muhiimad weyn u leedahay mustaqbalka Soomaaliya gaar ahaan dhalinyarada si shaqooyin u helaan isla markaana la joogteeyo dhaqaalaha wadanka.

Dhowaan deegaanka Tuka-Raq waxaa ka dhacayay dagaal u dhexeeya Puntland iyo Soomaaliland, wax dadaal ah oo colaadaas lagu joojinayo ma bixiseen?

UK waa taageeraha weyn ee nabada Soomaaliya, taageeraha weyn ee degananshaha iyo taageeraha weyn ee raadinta nabada iyo xasiloonida ma aragno wax dan ah oo dadka caadiga ah ee Somaliyeed ugu jira colaad iyo isku dhac, marka aan aragno xaalad sida Tuka-Raq oo kale damcan waan ka walaacnaa, sababtoo ah waxaa daneynaynaa dadka Soomaaliyeed bad qabkooda, waxaa ku dadaalaynaa horumarinta Soomaaliya laakiin xaaladaha sida Tuka-Raq waxaa ay hagal daacineysaa dadaaladaas.

Damcan dhinacyada ku lugta leh arrintas waxaa ku boorineynaa in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan si loo wada hadlo loona gaaro heshiis ayadoo wada xaajood la yeelanayo, mana jirto xaalad taas oo kale ah oo Soomaalida ku xaliyeen colaad kaliya waxaa lagu xalin karaa wada hadal.

Xaalada Tuka-Raq waxaa ay soo jiitamaysaa waqti dheer, mana ahan si haddii loo eego wax weyn waxaa ay musiibo ku tahay Somaliland, waxaa ay musiibo ku tahay Puntland iyo guud ahan Soomaaliya.

 

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here