Waalidiin wiilashooda ku xiran dalka Cuman oo dowladda Federaalka ka codsaday in loo soo daayo

Shacab isugu soo baxay magaalda Garoowe ayaa madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka codsadey sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiis Soomaliyeed oo  ku xiran xabsiyda dalka Cumaan.

Ehelada qaraabada iyo dadweyne kale oo la dareemayay xanuunka ay qabaan waalidiin Soomaaliyeed oo in ka badan 10 sano wiilashooda ku xirnaa dalka Cumaaan ayaa maanta isu soo bax ka dhigayo magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku cabireen dareenkooda ku aadan sidii loo soo deyn lahaa wiilashooda ku jira xabsiyada dalka Cumar.

“Cumaan waxaa nooga xiran 30 wiil, waxaan isugu soo baxnay in dhawaaqeena ay gaarto Madaxdeena sharafta leh, waxaana ka codsaneynaa in wiilasheena xabsiga laga soo daayo oo dalka nalaguu soo wareejiyo” ayay tiri Hooyo ka mid ah dadkii isu soo baxa dhigayay.

Aabe Soomaaliyeed oo ka mid ah dadkii maanta isu soo baxa ka dhigay magaalada Garoowe ayaa yiri “Banaan bax Nabadeed ayaan isugu soo baxnay, waxaana raadineynaa wiilasheena nooga xiran dalka Cumaan oo 25 sano oo xabsi ah ku xakuman, waxaan ka codsaneynaa dowladda Soomaaliya inay baadi doonaan wiilaashaas oo ay noogu soo celiyaan Soomaaliya”.

Waalidiinta iyo dadweynaha isu soo baxa dhigayay ayaa dareenkooda si weyn u muujiyay, waxaana ay codsadeen in wax laga qabto dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada dalka Cuman.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here