Wabiga Shabelle oo ku fatahay tuulooyin hoostaga magalada Joowhar.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad ka sameeyey agagaarka magaalada Jowhar ee caaamimada maamul goboleedka Hirshabelle.

Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyin dhowr oo hoostaga magaaladaasi, iyadoona ay isaga barakaceen qoysaskii daganaa tuulooyin ku yaala jiinka wabiga.

Tuulooyinka uu wabiga ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah  Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same,  Raqayloow, Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, iyo Buur Fuule oo dhamaan hoostaga  magalada Jowhar.

Cabsida laga qabo biyo farabadan ee uu wado wabiga shabeele ayaa ku qasabtay qooysas  tuulooyinkaas daganaa  in ay guryahooda ka cararaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here