Wadamada Caalamka oo Olole ugu jira sidii loo heli lahaa tallaal loga hortagayo Corona Virus

Ururka Caafimaadka Aduunka wuxuu dhawaan bilaabay qorshe lagu dardar galinayo soo saarista  tallaal  iyo dawooyin laga hortago xanuunka Corona virus.

Ujeeddada Ololahaan wadajirka ah ayaa ah sidii lo heli lahaa dawooyin tayo leh oo ka horti karo faafida Virus-ka Corona, oo inta badan wadamada Caalamka sameeyay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhaxeeyo wadamada Caalamka lagu baddalo sidii wadajir loga hortagi lahaa xanuunkan Adduunka kala go’doomiyay ee COVID 19.

Waxaa muuqda hoos udhac ku yimid xaaladaha xanuunkan marka loo eego tirakoobyadii ugu dambeeyay ee laga sameeyay waddammada uu aadka u sameeyay xanuunkan.

Marka laga reebo Mareykanka iyo Shiinaha wadamada uu aadka u sameeyay waxa ka mid ah  Talyaaniga oo dadka xanuunkan uu ku dhacay ay gareen 25,969 halka ay u dhinteen dad gaaraya 192,994.

Dalka Spain dadka uu ku dhacay Corona waxay gaarayaan 22524, waxaana u dhintay 219764.

Faransiiska waxaa la diwaan galiyay in xanuunkan uu asiibay dad gaaraya159828, halka dhimashada ay gaartay 22245.

Boqortooyada Ingiriiska waxaa uu xanuunkan  haleelay dad gaaraya 143464, waxana u dhintay 1956 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here