Waddada Horumarka Iyo Hagardaamooyinka Horyaalla. FAALLO

0
1652

Waxaa qoray: Cabdiraxmaan Yuusuf  Cumar “Al-Caddaala”

Soomaaliya muddo dheer oo ay ku jirtay daganaasho la’an siyaasadeed  oo keentay amni darro sababtay Baahi, Qax iyo daryeel-xumo, maadaama ay meesha ka maqnaayeen hay’adihii qaran ee dadka u adeegi lahaa, hadda waxeey halgan adag ugu jirtaa sidii ay ugu bixi lahayd hawo nabdoon oo u saamaxda dhibbanayaasha waqtigii kacsnanaanta in ay ku naaloodaan dawladnimo leh tayo ay dadkeeda ku siiso adeegyo u qalma xaqa uu muwaadin kastaa ku leeyahay qarankiisa

Calaamadaha iftiinta wanaagsan waxaa ka mid ah dhibcaha nabadda ee ku hooray qaybo badan oo ka mid ah dalka, taas oo ka soo bilaabanaysa xudduudaha kuna  soo siqaya caasimada, iyadoo caasimadduna ay gobollada ku sii fidinayso layrta nabadda iyo dawladnimada.

·         Gogol wada-galka siyaasadeed ee ka dhaxeeya maamuleyaasha gobollada iyo dawladda dhexe oo inkasta oo ay jiraaan xanafo sisaayasdeed hadana muujiyay ugu yaraan wada-shayqayn iyo ogolaasho isdhagaysi oo dhexdooda ah, Abuuridda iyo meel-marinta guddiyo iyo sharciyo loogu talo galay in ay daweeyaan boogaha ka dhashay waqtigii colaadda iyo habaynta qawaaniin kala xadeeya dadwaynaha iyo maamulada laftooda.

·         Dadwaynaha Soomaaliyeed oo aqbalay in ay dhistaan maamulo matala kuna tartamaya sidii deegaan kastaa oo u noqonlahaa kan ugu wanaagsan uguna dhaw dawladda dhexe.

·         Sii wiiqmidda awoodda argagixisada,  waloow ay sii wadaan dhibta ay ku hayaan dadwaynaha hadana waxaa marag madoonto ah in haddii ay shalay xukumayeen inta badan dalka ay maanta meelo kooban joogaan, in haddii ay shalay dad badan la dhacsanaayeen fikirkooda aanay taasi meesha ku jirin maanta.

·         Caalamka oo muddo ka badan 20 sano ka jeediyay indhahooda Soomaaliya oo hadda garab qabad siyaasadeed iyo dhaqaalaba u muujiyay Soomaalida iyaduna waa tallaabo kale oo rajo galinaysa.

Qodobbadaan iyo kuwo kale oo aanan xusin waxeey leeyihiin dhamaantood dhinacyo na cabsi galinaya haddii aan loo toog ahayn,taxadarna laga galin.

Ø  Halganka soo kabashadu, wuxuu ka sugayaa daadihiyayaasha in ay aqoonsadaan halkii ay markii hore ka timid nasiib darradu, ka dibna ay ka fogaadaan in ay danqiyaan nabarrada la dhayayo.

Ø  Calaamadaha iftiinka ee nabaddu waxeey naga sugayaan in aan adkayno inta aan haysanno, kana ilaalino xoogagga dhalinaya nabadda in six un loo isticmaalo ama ay abuurmaan quwado aan ku dhisnayn hannaanka dawliga ah si aan loogu isticmaalin colaado.

Ø  Is-fahamka siyaasadda ee madaxda qaranka iyo hoggaamiyayaasha gobolladu, waxay uga baahan tahay  dawladda dhexe in ay ka dhabayso in maamulladu helaan xaqa ay ku leeyihiin dawladda dhexe iyo in hogaamiyayaasha gobaladu muujiyaan in ay dawladda dhexe hoos yimaadaan, una oggolaadaan in ay hesho dawladda dhexe xaqa ay ku leedahahay maamulada, maamuladana waxaa looga fadhiyaa  in si la mid ah sida ay dawladda dhexe uga rabaan in ay xaqooda ka helaan iyaguna dadka ay xukumaan u siiyaan xaqa ay ku leeyihiin maamullada.

Ø  Guddiyada iyo qawaaniinta samaysmaya waxeey u baahanyihiin in ay noqdaan kuwo dawo u ah xaaladaha loo abuuray in ay xalinayaan, lagana helo waaqicinnimo iyo ud ulqaadasho u dhigan tahay waqtiga iyo marxalada ay shaqaynayaan, waana muhiim in ay lahaadaan waji iyo qormo laga sugi karo natiijo caafimaad qabta.

Ø  Taageerada ay dadwaynaha Soomaaliyeed siinayaan maamullada dhismayaa waxa ay u baaahan tahay in aysan noqon taageeradoodu mid leh muuqaal qabiil, isla markaana aanay booskii quluubta dadka uu qaranku ku lahaa aanay galin mid maamul gaar ah, waxaa xusid mudan in ay dadwaynuhu maanka ku hayaan qasaaraha ay leedahay xammaasad salka ku haysa qabiil ama koox.

Ø  Jabinta Argagixisadu waxeey ka sugaysaa Soomaaliya in ay noqoto mid maskaxeed iyo mid ciidan si taas loo gaarana waa muihiim in hadda xoogga la isugu geeyo wacyigalinta dadwaynaha iyo xoojinta sirdoonka taas oo micnaheedu yahay in shacabka lagu qanciyo in aanay qarsan dhagarqabayaasha iyo in si dhaw loola socdo dhaqdhaqaada,c ulyas badan uma baahna ka saarista meelaha ay haystaan laakiin halka xeel iyo xoog u baahan waa ku dhex dhuumashada meelaha laga saaray.

Ø  Caawimaadda caalamku waxa ay u baahan tahay qorshe isku dubarridan oo loo dhan yahay si looga fogaado qorshayaal iska hor imaanaya oo  ka yimaada hay’adaha dawladda ama maamullada gobollada iyo dawlada dhexe,waxaa kale oo ogaasho mudan in danaha kala duwan ee quwadda caalamka aanay dhan gaar ah noo jiidan taas oo keeni karta in aan dhex galno hardan ay waxyeello uga imaan karto dhaqaaqeenna curdinka ah

Gabagabada, labo xaaladood ayaa nooga baahan in aan midigta ku qabsano waana cadaalad iyo dulqaad, Cadaaladdu waxeey ka imaanaysaa madaxda heer qaran iyo heer gobol, dulqaadkuna waa wadar ka dhaxaysa hogaamiyaha iyo la hoggaamiyaha.

Waxaan ku soo xirayaa labo maahmaah,shacabka qormadu waxa ay leedahay Rooma maalin lama dhisin, hogaankana waxa ay leedahay rag caddaalad waayay waa Riyo geeso waayay!.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here