Wafdi ay Hogaamineyso Wasiirka Gaadiidka Dekadaha oo gaaray Baraawe

0
1073

Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Dekaha iyo Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga Wasiirka oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka socda Koonfurgalbeed iyo dowladda Qatar ayaa kulamo la qaatay maamulka Degmada Baraawe iyo Odoyaasha dhaqanka, kuwaasi oo warbixino ka dhageystay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maryan Aweys Jaamac Wasiirka Gaadiidka Dekadaha iyo Badda ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdiga la socday ayaa u jeedka socdaalka ay ku tegeeen Baraawe ahayd ukuur gelidda Dekadda magaalada Baraawe iyo sidii dib loo howlgelin lahaa.

Shalay ayay ahayd markii Wafdigan ay socdaal ku tegeen Dekadda magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku soo sameeyeen qiimeyn dhinac kasta leh.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here