Wafdi balaaran oo isugu jiro Xildhibaanno iyo Wasiiro oo gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Wafdi ballaaran oo ka socda golayaasha dowladda dhexe ayaa galabta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedkaasi.

Wafdiga oo deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland ayna qeyb ka yihiin Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa ka qayb geli doona shirka wada tashiga Puntland oo uu dhowaan ku dhawaaqay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland shirkaas oo 15- Maarso-2020 ka furmi doona Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here