Wafdi ka socda hay’aadda qoxootiga adduunka UNCHR oo garay magaalada Beledweyne

Wakiilka Soomaaliyaa ee hay’adda qaxootiga Aadduunka ee UNCHR iyo ergaga gaarka ee  uqaabilsan Afrika ayaa gaaray magaalada  Beledweyne kadib fataahaadihii wabiga Shabeelle u ka sameyay Beledweyne.

Iyagoo kulan laqaateen madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare waxaana ay kala hadleen xaaladda iyo sida barakacaaysha sida gargaar lagu gaarsiin karo dadka ka baxay hooygi ay daganaayeen hataana ku sugan xeryahay magaalada Beledweyne

Dhanka kalana waxay kormeer ku tageen qar kamid ah xeryaha ay dadka ku barakaceen  ee Beledweyne,si ay ugu kuur galaan xaaladda ka jirta xiryaha dadka ay ku sugaan yihiin.

Magaalada Beledweyne ayaa hataan kasoo kabanaysan fatahaadii webiga shabeelle u ka sameyay magaalada , iyadoo ay ka barakaceen guud ahaan dadkii ku noola Bekedweyne.

        

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here