Wafdi ka socda Masar oo muqdisho kula kulmay wasiirka arimaha dibada

Wafdi ka socda dalka masar oo maanta booqasho ku yimi soomaaliya ayaa la kulmay wasiirka arimaha dibada xukumada federaalka .

Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee masar Sherif mohamoud Said ayaa xafiiskiisa kula kulmay wasiirka arimaha dibadda soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka arimaha dibada soomaaliya wuxuu sheegay in wafdiga masar ay ka wada hadleen xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal .

Wasiirka waxaa kaloo uu tilmaamay in masar iyo soomaaliya ay wadaagaan xiriir walaalnimo iyo saaxiibtinimo ku qotomo.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in uu rajeynayo xoojinta xirrika dowladeena soomaaliya masar la leedahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here