Wafdi ka socda Midawga Yurub iyo Ethiopia oo Cadaado kula kulmay madaxda Ximan iyo Xeeb”SAWIRRO”

4195

Wafdigan ka socday Midawga Yurub ayaa sido kale waxaa wehliyay Masuuliyiin Ka Socota Safaaradda Ethiobia ee Soomaaliya oo uu ku jiro Qunsuka Safaraddaasi, waxaana  markii  maanta ay soo gaareen magaalada Cadaado ay kulamo la qaateen madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo ay ka wada hadleen arrimaha maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Ximan iyo Xeeb ayaa labada dhinac waxa ay si qoto dheer kaga hadleen fududaynta shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud oo la filayo in Cadaado dhawaan uu ka furmo iyo doorka ay beesha caalamku ka qaadan karaan.

Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb C/llahi Cali Maxamed “Baarleex” oo warbaahinta la hadlay markii kulanku soo dhammaaday ayaa sheegay in wafdiga ay isla afgarteen in Midawga Yurub iyo Ethiopia ay ka qayb qaataan hirgalinta maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Wafdiga ayaa kulamadaas ka dib ku laabtay magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka soo ambabaxeen.

Magaalada Cadaado ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo gaarayay wufuud kala duwan, iyadoo la filayo in dhawaan shir waynaha Mudug iyo Galgaduud uu ka furmo.

Omar Hassan Khaire

DSC03250 DSC03260 DSC03304 DSC03311 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? DSC04884 DSC04886 DSC04887 DSC04892 DSC04893 DSC04894 DSC04895

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here