Wafdi ka socda Wasaaradda Dastuurka XFS oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo+Sawirro

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana wafdiga qeyb ka ahaa xubno ka tirsan guddiga lasocodka arrimaha dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa Garoonka diyaaradaha baydhowa kusoo dhaweeyey Wasiirka Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan Xassan iyo shaqaalaha wasaaradda.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Ayaa wasiirka dastuurka koofur galbeed  iyo mas’uuliyiinta kale uga mahadceliyay soo dhaweyntooda.

Maalmaha soo socda ayaa Baydhabo Lagu qaban doonaa Barnaamijyo ku saabsan arrimaha dastuurka kuwaas oo ay ka qeyb geli doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada si fikradahooda loodhageysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here