Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud

0
655

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta Gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Gamudug, waxaana ku wehlinayey
Wasiirka Wasaarada Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed
Cabdulahi Salaad Oomaar, Xubnahaan ka socday Qaramada Midoobay, ayaa waxa
ay kormeer ku tageen Meelo ka mid ah Magaalada Dhuusamareb kuwaas oo
Calaamaysanayey Halkii ay ka dhisan lahaayeen Xarunta UN-ka ee Magaalada Dhuusamareb.

Sh Maxamed Shaakir Madaxa Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug oo Waftigaan ku soo dhoweeey Magaaladda Dhuusamareb ayaa ugu baaqay inay wax ka
qabtaan Maamulka Galmudug si loo hormariyo Adeegyada Bulshada
Deegaanada Maamulkaasi.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulahi Salaad Oomaar, ayaa waxa uu balan qaaday inay wax ka qaban doonaan dhismaha iyo Qalabaynta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareb, waxuuna xusay inay dib u dayactir ku samayn doonaan Xaruntii Wasaaradda Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya Qaybteeda Gobolka Galgaduud,  kuna taala Magaalada Dhuusamareb.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here