Wafdi ka socday Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo gaaray Baladweyne+Sawirro

Wafdi uu hogaaminayo sii hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya xirsi Rooble ee uu ka mid ahaa maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan waxaa kaloo qeybka ah quburo ajaanib ah oo hay’adda kala shaqeeya arrimaha garoomada dalka waxaana lagu wadaa inaay indho-indheyn ku sameeyaan xaalada garoonka ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.

Sidoo kale wafdigaan ayaa dhagax dhigo doono mashruuc laga fulin doono garoonka iyo sidoo kale shaqaallaha garoonka oo loo furi doono tababar kor loogu qaadayo aqoontooda.

Waxii kusoo kordha goor kala so soco Radio Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here