Wafdi ka socday Wasaaradda Qorsheynta XFS oo gaaray Badhabo+Sawirro

Wafdi ka socday wasaaraddaha qorsheynta,maaliyadda dowlada Soomaliya ayaa maanta gaaray magaalada baydhabo ee xrunta ku meel gaarka aha ee dowlad goboleedka koofur galbeed waxaana garoonka diyaaradaha shaati gaduud  ku soo dhaweeyey agaasimaha wasaaradda qorsheynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha koonfur galbeed,

ujeedada wafdigan ay u tageen baydhabo ayaa ah ka qeyb-galka shir muddo afar maalimood ah ka soconaya oo ay soo qaaban qaabisay wasaradda qorsheynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha koonfur galbeed oo kashaneysa wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa looga hadlayaa mashruuca soo kabashada xasaradaha Soomaaliya sida  abaaraha, fatahaaddaha soo laa laabtay, anyaxa iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Agaasimaha wasaradda qorsheynta koonfur galbeed isaack Maxamuud  Mursal oo wafdiga qeybta nasashada garoonka ku soo dhaweyey ayaa sheegay in wafdigan ay ka qeybg-ali doonaan shirka wadatashiga mudnaansiinta baahiyaha u adkeysiga iyo kasoo kabashada ee koonfur galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here