Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo si diiran loogu soo dhoweeyay Dalka Kuwait”Sawirro”

1485

Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane. Cabdiweli Ibrahim Sheekh Muudey ayaa maanta gaaray dalka Kuwait, waxaana wafdiga ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kuwait Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait, Md. Cabdulqaadir Amiin Sheikh, La taliyaha Safaarada Md. Abiib Muuse Faarax oo ay wehliyaan Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ahna wasiiru dowlaha Qorsheynta iyo Horumarinta, Marwo Hind Sabeeh Al-Sabeeh, madaxda ururka Shaqaalaha dalka Kuwait.

Wasiirka oo ay safarkiisa ku wehliyaan mas’uuliyiin ka socotay ururada Shaqaalaha madaxa banaan ee dalka oo ay ka mid yihiin Md. Maxamed Ibrahim oo ah Xoghayaha Guud Ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ), Md. Maxamed Cusmaan Xaaji oo ah Guddoomiyaha Isutagga shaqaalaha Soomaaliyeed  (SCTU) oo ah labo urur shaqaale oo madax banaan, inta dalka Kuwait joogaane waxa ay kaga qeyb geli doonaan Shirweynaha Guud ee Ururada Shaqaalaha Carabta oo maalinta Berri ah ka furmi doono magaalada Kuwait, shirkaas oo socon doona 18-25 April 2015.

IMG_3119 IMG_3120 IMG_3121 IMG_3122 IMG_3123 IMG_3126

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here