Wafdi uu hogaaminayo Imaamka Mudolood oo lagu soo dhaweeyay Beladweyne “SAWIRRO”

Wafdi uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud qeybna ay ka yihiin Wabaro, Ugaasyo iyo Salaadiin ayaa goordhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa Beledweyne kaga qeyb galaya aaska iyo tacsida Marxum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif  oo ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar, Odayaal, Nabadoono iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigaasi ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Diyaarada sidda meydka Marxum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa lagu wadaa in magaalada Beledweyne saacadaha soo aadan ay gaarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here