Wafdi ay hoggaaminayso Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya oo Baydhabo gaaray “SAWIRRO”

Wafdi ka socda dowladda Jarmalka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xafiiskisa ku Qaabilay Wafdiga ka socday safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Wafdigaasi waxaa hoggaminaysay danjiraha dowladda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther iyo ku Xigeenkeeda Markus, kuwaasi oo haatan kulamo la leh madaxda dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here