Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray Jowhar

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka Shirshabeelle.

Wafdigaan ayaa haatan waxay kulamo la leeyihiin Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa, sidoo kale waxaa kulamada qayb ka ah guddiyada Doorashooyinka ee ku sugan magaaladaasi Jowhar.

Danjire Francisco Madeira iyo mas’uuliyiinta kala duwan ayaa waxyaabaha ay ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah arrimaha doorashooyinka iyo amaanka magaalada xiliga doorashooyinka.

Magaalada Jowhar ayaa ka mid ah magaalooyinka dalka ee haatan sida wayn loogu mashquulsanyahay doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here