Wakiilka QM ee Soomaaliya oo maanta gaaray Baydhabo

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, isagoo la kulmay madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in kulanka labada mas’uul uu hadda ka socday madaxtooyada maamulka.
Arrimaha doorashooyinka iyo qodobo kale ayaana ugu muhiimsan waxyaabaha diiradda lagu saarayo kulankaas.
Dhowaan ayay aheyd markii saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay ku baaqeen in la fuliyo heshiiskii doorashada 17 September ay wada galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here