Waqtiga Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyay

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada xafladda caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso xafladda caleemasaarka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la tashiyo kala duwan oo ay sameeyeen kadib ay go’aansadeen in xafladda caleemasaarka la qabto 26-ka bishaan.

“Wadatashi Madaxtooyada Galmudug kadib, Guddiga qabanqaabadu wuxuu go’aansaday in xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay ka dhacdo Dhuusamarreeb, Khamiis 26-ka Maarso 2020” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here