War-saxaafadeed : Dowladda Soomaaliya oo Xiriirka u jartay Iran

2393

Iyadoo la fulinayo go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,January 07,2016 , Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay u yeertay Sii hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iran ee Muqdisho , waxa ayna gudoonsiisay go’aanka , waxaana laga codsaday in isaga iyo diblomaasiyiinta kale ee Iran ay dalka uga baxaan muddo 72 saacadood gudahooda.

Tallaabadan ayaa timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo qalqal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa Iran inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, joojiso faragelinta gudaha, ilaaliso qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xiriirada diblomaasiyadeed.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Waa wax lagu farxo in wadanka shiicada laga eryo waxaa haboon in lagu daro xabashida waayo dhibaatada somaaliya waa itobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here