War-saxaafadeed ku saabsan booqashada Kerry

0
2067

Maanta oo bisha May ay 5 tahay waxaa magaalada Muqdisho ka degay xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry si dowladda Mareykanka ay u xaqiijiso sida ay ugu go’an tahay taageerada ay u hayso dadaalada ka socda Soomaaliya oo ay kamid tahay hanaanka kala guur ah oo loo maraya qaab nabadgeliyo ah sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Mareykanka.

Mr Kerry ayaa la kulmay madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada isagoo kala hadlay arimaha amaanka iyo isbedelada dalka la doonayo in sanadka 2016 ay ka dhaco doorashooyin.

Sidoo kale waxaa uu la kulmay hogaamiyiyaasha ururada bulshada rayidka, isagoo mahadcelin u jeediyay howlagalka midowga Afrika ee AMISOM dadaalada nabadeynta ah oo ay Soomaaliya ka wadaan.

Tani ayaa ah safarkii ugu horeeyay oo John Kerry uu ku yimaado Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here