Wararkii u dambeeyay doorashada Aqalka sare ee Kismaayo ka dhacaysa maanta +Sawirro

Magaalada Kismaayo ee Jubaland, waxaa ka socota qaban qaabada doorashada affartii xubnood ee ugu horeysay aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha baarlamaanka maamulka Jubaland ayaa dhageysan doono hadal jeedinta xubnaha u tartamaya golaha aqalka sare.

Jubaland ayaa noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee bilaaba doorashada baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan senatarada aqalka sare.

Doorashadan maanta waxaa goob joog ka ah, guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

Wixii ku soo kordha halkan kala socda…