Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO’

0
9720

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku sugan goobka uu ka dhacay Qaraxa, waxaana sidoo kale gaaray Masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ismaaciil Muqtaar Cumar (Orange) oo gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay ayaa soo sheegaya in Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa lagu Qarxiyay Banaanka Hore ee Maqaayadda Posh.

Inta la ogyahay ilaa iyo Sagaal Qof ayaa ku dhimatay waxaana sidoo kale dhaawacmay dad kale kuwaas oo haatan la geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Waxaa socda Baaritaano ay wadaan Ciidanka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha dowladda.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here