Warbixin biyo yari ka taagan degmada Jariiban ee Gobolka Mudug+Sawiro

Deegaanka Towfiiq oo ka mida deegaanada hoostaga dagmada Jarriiban ee Gobalka Mudug mudoyinkii u danbeyayna ka mid ahaa deegaanada kasoo kabanayay dhibaatooyinkii ka dhashay colaadihii ka jiri jiray deegaanada hoostaga dagmadaasi Jarriiban ayaa haatan waxaa bulshada ku nooli ay walaac xoogan ka muujinayaan biyo yari ka jirta halkaasi kadib markii ceel biyoodka kaliya ee ku yaala deegaankaasi uu noqday mid ku filnaan waayay dadka iyo duunyada ku nool deegaanka towfiiq iyo deegaanada hoostaga taas oo inta badan ah mid loo tiirinayo in ay ku timid adeegyadda ceel biyoodkaasi oo aan dhameystirneyn.

Nabadoon Maxamuud Xaashi  Cali oo ka mid dadkii isku howlay hirgalinta ceel biyoodka deegaanka Towfiiq ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay baahiyada jira iyo sababaha keenay waxaana uu sheegay in muddo ka badan ceelkaani uu shaqeynayo isla markaana hirgalintiisa ay iska kaahadeen shaqsiyaad kasoo jeeda deegaankaasi kuwaas oo ku kala nool dalka iyo dibada sidoo kale waxa uu xusay in gacan uu ka geystay hirgalitiisa gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad, Nabadoonka ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sababaha keenay biyo yarida laga cabanayo taas oo uu xusay in ay ugu horeyn sababtay ceelka oo aysan udhameystireen adeegyadiisa sida keydadkii biyaha oo ay ka mid yihiin baraakihii iyo haamihii lagu keydin lahaa biyaha dadka iyo duunyada isticmaala ceelkaasi oo aad u badan iyo ceelka oo aan laheyn matoor iyo bam kale kuna shaqeynaya mudadaasi hal matoor oo kaliya haddii wax cilad ah ay ku yimaadaana aan loo heyn wax lagu badalo waxaana uu ka codsaday Dowlada Fadaraalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedka Puntland in laga caawiyo dhameystirka Adeegyadaasi si loo bad baadiyo nolasha kumaan qoys oo ku nool biyahaceel biyoodkaasi.

Sidoo kale qaar ka mida bulshada deegaankaas  iiyo  xoolo dhaqatada deegaankaasi oo ku guda jiray shubashada xoolahooda  xiligii aan tagay ceel biyoodka deegaankaasi ayaana wax ka weydiiyay dhibaatooyinka dhanka biyaha ee ka jira deegaankaasi Towfiiq waxaana ay sheegeen in ay ka cabanayaan cirriiriga lagu qabo helitaanka biyaha maadaama wax soo saarka ceelka iyo isticmaalka ay kala badan yihiin.

C/raxmaan Bile Geyre oo ka mid ahaa xoolo dhaqatadii halkaasi aan kula kulmay xilli uu geel ka waraabsanayay ceelkaasi Towfiiq  aya warbaahinta qaranka uga waramay dhibaatooyinka ay ka cabanayaan waxaana uu xusay in ceelku uu leeyahay hal baraag oo aad u yar iyo hal matoor oo aan laheyn wax lagu nasiyo sidaa awgeedna  muddo 12 saacadood ka badan ay ku qaadato in geeloodu uu biyo helo maadaama halkaasi baraag ay wada isticmaalaan dadka deegaanka xoolo dhaqatada kala duwan iyo gaadiidka booyadaha ee iyagu biyaha u qaada xoolaha ku nool meelaha fog fog ee aan soo gaarin ceelka.

Si kasta ha noqatee ceelka deegaanka Towfiiq ayaa ah mid looga soo wareero masaafo aad u fog qiyaas ahaan gaareeysaa ilaa 70 km maadaama uusan jirin ceel biyood kale oo matoor ah kuna yaala inta u dhaxeeysa dagmada Jarriiban deegaankaasi Towfiiq taasna waa mida sababtay in bulshada iyo xoolaha ku tiirsan ceelkaasi ay cabasho ka muujiyaan biyo yari ka jirta Deegaankaasi Towfiiq iyo deegaanada hoostaga ee Dagmada Jarriiban.

     

W/D C/risaaq Maxamed Axmed (Dagmada Jarriiban ee Gobalka Mudug)

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here