Warbixin Isbitaal Banaadir iyo Xaalada caruur Cuduro kala duwan soo riteen “Sawirro”

Isbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo Dhalaanka  waxa lagula tacalayaa Caruur laga kala keenay qeybo badan oo kamid ah Gobolada dalka.

Gobolada laga keenay waxaa kamid ah Barri, Mudug, labada Shabeelle iyo qeybo kamid ah Gobolkan Banaadir.

Xanuunada ay ildaran yihiin waxaa ugu weyn nafaqo daro baahsan waxaa kale oo u soo raaca Maleeriyo, Dhiig la’aan iyo Burukeeto.

hadda qeybta caruurta oo kali ah waxaa jiifa 27 Caruura kuwaas oo xaaladoodu aad u adag tahay Dr Aweys Colow Xasan ayaa waxaa uu sheegay in qaarkood xaladoodu iyaga oo aad u adag tahay Isbitaalka lakeenay.

“kani waa qolka marka ugu horeysa ee lakeeno caruurta xaaladooda lagu tacaalo sidda aad aragtay halkan waxaa lakeenay curuur badan oo u liita runtii waxaa laga keenay qaarkood meelo aad u fug fug taasna waxaa ay kuu cadeyneysa inaysan jirin adeeg caafimaad oo dhameystirin oo ka jira meelaha ay kayimaadeen”.

Qeybta Hooyada waa mid kale oo haweenka aad muhiim ugu ah waxaa lakeenaa Hooyooyin kala duwan Drs Luul Maxamuud Maxamed Madaxa qeybta Dhalaanka iyo Hooyada ee Isbitaal Banaadir ayaa sheegtay in hooyooyin badan Isbitaalka lakeenay kuwaas oo u baahnaa qaliin deg deg.

“Runtii halkan waxaa lakeenay haween badan waxaana kuu sheegi karaa in xaladooda hadda aad u wanaagsan tahay waxaa lakeenay qaarkood iyaga oo meelo kale lasoo marsiiyey”

kudhawaad 300 oo Shaqaale ah ayaa ka howlgala Isbitaalka Banaadir kuwaas oo isugu jira Dhaqaatiir, Kalkaaliyaal cafimaad oo kala duwan iyo qeybta nabad galyada Axmed Careys Faarax waxaa uu halkan ka shaqeynayey muddo 12 sano ah.

“Waxaan ahay Kalkaaliye ka shaqeeya qeybta dadka waaweyn waxaan kalkan ka shaqeynayey muddo aad u dheer balse waxaan jirin xuquuq, waxaan ka codsanaa dowladda Soomaaliya in Isbitaalka xaaladiisa sidhow ula socoto”.

Dr Cabdirisaaq Xasan Cali Madaxa Isbitaalka waxaa uu sheegay inay codsanayaan in Shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala Isbitalka ay helaan xaquuq.

“Runtii waxaa Isbitaal Banaadir ka shaqeeya dad badan oo kala duwan waxaa kamid ah Dhaqaatiirta kala duwan iyo Kalkaaliyaal waxaa iska yarba inay mushaar joogto ah helaan Isbitaalka waxaa lagu qabtaa sidda aad soo aragtay shaqooyin kala duwan oo aad u badan runtii halkan waxaa lagu hayaa shaqo aad adag taas oo u baahan dhiiti galin dhankasta ah”. sidaas waxaa sheegay Dr Cabdirisaaq Xasan Cali Agaasimaha Isbitaal Banaadir

Isbitaalka Banaadir waxaa uu mid yahay Isbitaalada ay Dowladda leedahay kuwaas oo shaqeeya una baahan in qalab ahaan iyo shaqaalo ahaan in lasii xoojiyo taas oo muhiim u ah dadka shacabka oo adeeg fiican loo qabto.

Halkan ka daawo Muuqaalka Warbixinta

W/D Cali Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here