Wargelin: Barnaamijka islaamka iyo Bulshada Ee Beri oo looga hadlayo Akhlaaqda Ganacsadaha Muslimka Ah

0
948

Dhammaan Akhristayaasha Radio Muqdisho, waxaa lagu wargelinayaa in barnaamijka Islaamka iyo Bulshada ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka baxa todobaadkasta Maalinta Khamiista ah, Waxa maalinta berrito ah  uu ku saabsanaan doono Mowduuca ka hadlaya Akhlaaqda Ganacsadaha Muslimka ah iyo waxyaabaha Shareecada Islaamku u Ogashaya iyo Waxa laga Reebay, iyadoo barnaamijka uu marti ku yahay Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.

Hadaba Akhristow iyo dhageyste Haddii Aad Qabto su’aasha ku soo gudbi, radiomuqdisho@gmail.ocm, si uu jawaab kaaga siiyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Barnaamijkani ayaa maalinta berrito ah saacadda marka ay tahay 10:00, AM, waqtiga Geeska Afrikada Bari Si Toos ah uga Bixi Doono Radio Muqdisho,  iyadoo si toos ah aad uga soo wici karto Barnaamijka inta uu socdo, Tel:  861011861012 ama Facebook Radio Muqdisho ku soo dir Su’aasha aad qabto.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here