Wargelin Ku Socota Akhristayaasha Webka Radio Muqdisho

4026

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan idiinku wargelineynaa in wax ka bedel lagu sameeyey qaabka dhageysiga Tooska ee Radio Muqdisho aad uga  dhageysan jirteen Websiteka kadib markii ay soo baxeen cabashooyin badan oo la xiriira in aan wax ka bedel ku sameyno dhageysiga soo shidmayey marka uu qofku soo booqdo Webka kuwaasi oo dhankiinna nooga yimid.

Hadaba anaga oo tixgelineyna codsiyadiinna laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 03-June-2017 waxaan  joojinay in dhageysiga Tooska uu soo shidmo marka webka aad soo gashaan waxaanna idiinkaga dhignay in qofkii raba dhageysiga Radio Muqdisho ee Tooska ah uu ka dhageysan karo dhanka midig ee bogga qeybta kore ee ay ku qoran tahay Toos U Dhageyso adiga oo ku dhufan kara sawirkaas kadibna ay idaacadda kuusoo daarmi doonto.

Mahadsanidiin 

Maamulka Radio Muqdisho

Did you like this? Share it:

3 COMMENTS

  1. Waan ku farax sanahay in kor looqaado baahinta wararka iyo barnaamijyada suugaanta lkn waxaan cod san lahaa barnaamij hanuuninta shacabka somaliyeed meelkastoo ay joogaan ay ka qeyb qaataan in la dhageysto codkooda qufka wadaniga ah ee bulshada ku dhexnool loona hambalyeeyo si shaqada wanaagsan uu usii laba jibaaro sida baraha bulshada ay ku kulmaan laga abuuro dhiiri galinta iyo isku xerka dadka wanaagsan hambalyo guuuuuuul iyo gobanimo #nabadiyonolol

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here