Wariye Axmed Xasan Cowke oo geeriyooday

1
2334

Alle ha naxariisto, waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyooday Wariye Axmed Xasan Cowke oo ka mid ahaa wariyeyaashii ugu caansanaa dalkeena.

Axmed Xasan Cowke ayaa u geeriyooday xanuun, sida ay  walaashii Canab Xasan Cowke u sheegtay BBC.

Marxuumka ayaa ka shaqo billaabay Radio Muqdisho billowgii toddobaatameeyadii, wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay Telefishanka Qaranka, isagoo noqday wariyaha gaarka ah ee madaxweynaha jamhuuriyadda.

Burburkii kaddib, wuxuu Marxuum Cowke la shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC iyo waliba VOA, isagoo sidoo kale ka shaqeeyay qaar ka mid ah telefishannada Soomaalida sida Universal, HCTV iyo SNLTV.

Muddooyinkii dambe, wuxuu Marxuum Cowke ku noolaa magaalada Hargeysa. Axmed Xasan Cowke, wuxuu caan ku ahaa barnaamijyada madadaallada ah, akhrinta warka iyo waliba soo saarista barnaamijyada. Si gaar ah waxaa loogu xasuustaa barnaamijyadii Faallada warka ee Raadiyo Muqdisho.

Radio Muqdisho, wuxuu idiin soo gudbin doonaa barnaamijyo gaar ah oo ku saabsan wariye Cowke oo ka mid ah howl-wadeennadii ugu caansanaa ee ka howl-gala warbaahinta dowladda.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

    geeridu waa xaq qofkastaana waa dhimanayaa dadna waxaa ugu nasiib badan qofkii isagoo illaaheey raali kayahay tiisu timaado kana tago taariikh sharaf ku leh ummadda dhexdeeda.
    waxaan illaaheey ka baryaynaa in cowke raali kanoqdo qabrigiisana u qaboojiyo ehelkiisi iyo ummadda soomaaliyeed oon kamid ahayna naga wada samirsiiyo.
    cowke waxoow ahaay qof shacabka soomaaliyeed qaaliku ah lehna taariikh dheer oo ay waajib tahay in la baro jiilka cusub.
    waxyaabaha aanan la iloobikarin waxaa ka mid ah markoow wariyaha ka ahaay dagaalkii 1977-1979kii markaas oon waliba aad u yaraa hadana cowke waxoow ahaay wariyaha soo jiitay qalbigayga aniga iyo reerkrrnana aan marna na dhaafi jirin qaasatan warka la soo deyn jiray labada duhirnimo, markaas oo ahayd taariikh aan la iloobikarin oo shacabkeenu soo maray iyadoo soomaaliyi aheed dowlad ka tilmaaman qaarada afriko,illaaheeyna aan kabaryaayo inoow noo soo celiyo karaamadii aan lahaan jirnay iyo mid ka sii fiican.
    allaha u naxariisto cowke janatu fardowsana allaha ka waraabiyo,waxaan illaaheey ka baryayaa in wiilka yar ee ow dhalay oo barnaamijka ku leh talafishanka somali cable oow noqdo sidi aabihiis iyo sika sii fiican inshaa allaah.
    telefishinka qaranka waxaan ka dalbaneynaa ineey taariikhda cowke iyo berisamaadkii na xasuusiyaan waa taariikh dahab ah ummadkastaahina taariikhdeeda way ku faantaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here