Wariye Maxamed Macalin Xasan oo ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu qaarajiyo

Wariye Maxamed Macalin Xasan

Fiidnimadii caawa ayey rag ku hubeysnaa bastooladu waxay ay gudaha u galeen guriga wariyaha oo kuyaalla Degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako, xilligaas oo ay doonayeen in ay dilaan.

Dadka Deegaanka oo sababo amni aanan u baahin karin magacyadooda iyo qaar ka mid ah ehelka Wariye Maxamed ayaa nala wadaagay in raggu ay ahaayeen kuwo hubeysan, isla markaana ay muddo dhowr saacadood ah waddada ku noq noqonayeen, kuwaas oo doonayey in ay Wariye Maxamed Macalin Xasan dilaan laakiin nasiib darro labo kamid ah kooxdaan hubeysan ayaaa guriga gudaha ugalay abaaro 08:45 fiidnimo, taasi oo walwal ku beertay dhacdadaan ehelka wariye Maxamed iyo dadka deegaanka.

Bishii October ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Wariye Maxamed White-ka uu ka badbaaday isku day dil oo ay soo maleegeen Al-Shabaab oo ka soo horjeeda shaqada uu Qaranka u hayo, maadama Maxamed  uu ka midyahay suxufiyiinta ugu firfircoon howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana shaqada darteed uu ku muteystay shahaado sharaf oo ay guddoonsiiyeen Madaxda Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo shahaado gudoonsiinaya Maxamed White-ka
Wasiirka Warfaafinta Cabdikariim oo shahaado sharaf gudoonsiinaya Maxamed White-ka

 

 

 

 

 

 

Sanadkii 2015 waxa ay maleeshiyada Al-Shabaab degmada Wadajir ay ku dileen wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa Warbaahinta Dowladda.

Sidoo kale Dabayaaqada bishii June ee sanadkii 2018 ayey ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay dhaawac u geysteen Farxiyo Mire oo ah weriye ka tirsan Raadiyo Muqdisho meel u dhow is goyska dabka ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa caado u ah dilka iyo gumaadka dadka shacabka ah, gaar ahaan wariyaasha, askarta siyaasiinta iyo cid walba oo ay u arkaan inay ka soo horjeedo afkaartooda qaldan ee xagjirnimada.

Al-Shabaab ayaa kal hore siyaabo kala duwan u dilay saxafiiyiin ka tirsanaa Warbaahinta Dowladda

Siminar la xiriira Af-ka Hooyo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here