Wasaarada Gaadiidka oo dhaqangelinaysa shuruucda badqabka gaadiidka&nabadgeliyada waddooyinka+sawirro

Kulankani oo ujeedkiisu ahaa dhaqangelinta mashruuca tijaabada badqabka gaadiidka iyo nabadgeliyada waddooyinka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista HawadadXukuumadda Soomaaliya waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaradda,xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir saraakiil ka kala socotay taliska tarafikada,CID,iyo dhamaan qeybaha kaladuwan ee hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gaadiidka iyo ganacsatada.

Agaasimaha waaxda Diwaangelinta Gaadiidka Rayidka ee wasaaradda Fisha gaadiidka Hibaaq Saalax Cumar ayaa sharaxday sharciyada muhiimka ah oo ay tahay in la dhaqangeliyo.

“Een Shurudaha gaadiidka laga rabo,tijaabada badqabka Gaadiidka in uu ka gudbo kow,Bareega Gaadiidka dhamaan taageerada Bareega waa in uu u qabtaa si isku mid ah,faroodooyinka horey iyo gadaal waa in Hilibkoodi uu joogo,Barega A B iyo C wuxuu u kala saarayaa qeybaha guud ahaan laga rabo in uu ka wanagsanaado,qeybta labaad gaarigu waa in uu ka wanagsanaado Taayeerada Gaadiidka waa in ay yihiin kuwo siman oo aan kala gaabnayn”. Ayaya Tiri agaasime Hibaaq.

Dhamaan xubnihii kaladuwanaa ee halkaais ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo nabadgeliyada wadooyinka,Awesy Macalin Yarow taliyah qeybta nabadgeliyada wadooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay xoojin doonaan dorkoodi kaga aadan dhaqangelinta shuruucda nabadgeliyada iyo badqabka gaadiidka.

Cali Gacal Gaabow Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa siweyn uga hadlay sharciyadan ay tahay in la dhaqangeliyo si loo ilaaliyo badqabka gaadiidka iyo nabadgeliyada wadooyinka..

Hadii aan wada shaqeyn oo boolisku uusan shaqeyn, gobolka uusan shaqeyn,daladda gaadiidka aanay shaqeynin ama ganacsatada gaadiidka, magaari karno minimum standar,waxaa aan rabno marka waxaa waaye in gudiga gaadiidka Xamuulka ah in ay wacyigashan yihiin oo ay shaqeeeyaan,baabuurka Dekedda galaya waa in uu yahay minimum Standar”. Ayuu yiri agaasime Cali Gacal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here