Wasaarada waxbarshada Soomaaliya oo digniin u dirtay daladaha waxbarashada

0
2242

Ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen dhaliilo badan oo ka imaanaya dhanka daladaha waxbarashada isla markaana wasaarada waxbarashada ku dhaliilaya in habka ay dooneyso in imtixaan mideysan looga qaado ardada dhigatay dugsiyada sare ee bartamaha iyo koofurta dalka uusan ahayn mid daladaha ay kala tashatay ayaa waxaa arintaa gaashaanka u daruuray oo hadal la iska yiri ku tilmaamay wasaarada waxbarshada xukuumadda federaalka Soomaaliya .

Agaasimaha guud ee wasaaradaasi mudane Maxamed Cabdulqaadir Nuur ayaa waxaa uu sheegay in mudo sadax sano ah ay wasaarada iyo daladuhu ka wada shaqeynayeen suura galnimada in la qaado imtixaan mideysan ayna ku heshiiyeen hadalka daladaha ka soo yeeray ayuuna ku tilmaamay mid marin habaabin ah.

“Su’aasha ah wasaarada iyo daladaha waxba iskuma ogeyn way isku ogayeen labo maraa heshiis dhacay qoraal ah marna la saxiixay marna gudi llagu heshiiyoo la soo saaraa dhacay oo sadax iyo toban qodob ka kooban  iyo gudigu howshuu qabtay in joogay uusan kala tagu dhicin  barnaamijyadii gudigu lagu shaqeyn lahaayeen sameestay iyo xeerarkii kuli waa la samestay  marka waxaan rabaa taqriiban in aan intaas ku soo koobo”ayuu yiri agaasimaha .

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarshada mudane Xaamud Cali Xasan oo isna ka hadlay arintaan ayaa waxaa digniin u diray mas’uuliyiinta daladaha ee dayaacayadaha ka fidinaya dowladda waxaana uu u soo jeediyay in ay wasaarada kala shaqeeyaan qabsoomida imtixaanka oo 13 bishaan loo madalsan yahay in la qabto.

Hugaamiye kooxeedyada waxbarasho ama hugaamiye kooxeedyada qalinka waxaan u sheegeynaa in ay iyaguna socon doonaan oo ay u dhama doonto waayo maanta ifbaa baxayo iftiinbaa noo baxaya in bur burkii laga soo kabanayaa muuqata  cid walba oo aqoon yahan iyo wax garad ah wuu arkayaa marka waxaan rabnaa in aan la is dacaayadeyn suuqaqa dacaayadaha ku jira  ambalaasyaa la keenayaa  xalanaa imtixaan lagu qaadayaa  ardaybaa la laayay waxyaabo badanoo waxaasoo dhan wax jira ma jiro .

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here