Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka tacsiyeysay geerida gudoomihii degmada Buurhakaba

996

Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka hadashay geerida guduumiyihii degmada Buurhakaba oo lagu dilay waddada u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Buur’hakaba.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha C/fitaax Daahir Mire oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xilliga la dilayay gudoomiyaha degmada Buurhakaba uu ka soo laabtay qeybinta raashin gargaar ah oo ay halkaasi geysay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale afhayeenka ayaa tilmaamay in gaadiidkii uu la socday gudoomiyaha ay waddada u dhaxeysa Yaaqbiriweyne iyo Leego u galeen dhagar qabayaasha Alshabaab,  halkaana uu ku geeriyooday gudoomiyihii degmada Buurhakaba.

Afhayeenka ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, wuxuuna u rajeeyay in Jannadii Fardowsa Alle ka waraabiyo.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here