Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo daah furtay hanaanka dhab u heshiisiinta Qaranka “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS ayaa Daahfurtay Kulanka Wadatashiga Diyaarinta Istaraatiijiyada Xiriirka ee Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.

Kulankaan oo socon doono mudo labo Maalmood ah uuna daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS Mud. Saciid Cabdullahi Calasow.

Waxaana kasoo qayb galay Xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Gobolka Banaadir iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Ujeedkan Kulankaan ayaa ahaa sidii loo heli lahaa Istaraatiijiyada Xiriirka ee Qorshaha Hanaanka Dhab u Heshisiinta Qaran.