Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland oo Deeq gaarsiisay dadka ku dhaqan Goobweyn

1087

Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dadka ku dhaqan deegaanka Goobweyn oo qiyaasti 15km ujira magaalada Kismaayo ee Xarunta kmg ah ee Jubbaland waxa ay gaarsiisay deeq isugu jirtay daawo iyo sidoo kale agabyo kale oo ay u isticmaalayaan nadaafadda si loo ilaaliyo badqabka deegaanka.

Wasaaradda Caafiimaadka waxay todobaad kasta maalinta Talaadada ah koox ka shaqeeya arimaha daryeelka caafimadka u dirtaa dadka ku nool deegaanka Goobweyn.

Mahado Xasan Cabdi Uleex oo kamida dadka deegaanka Goobweyn kana mid ahayd dadkii lasiinayay agabyada nadaafada sida saabunta lagu nadiifiyo jirka, dharka iyo biya sifeeye ayaa u mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, waxayna sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la daryeelo dadka danyarta ah ee ku nool deegaanka.

Shacabka ku dhaqan deegaanka ayaa ah Beeralay, kalluumeysato iyo xoola dhaqato, waxaana ay Maamul Goboleedka Jubbaland ka sugayaan baahinta adeegyada dowlada si deegaanku u noqdo mid la jaanqaadi kara deegaanada kale ee Jubbaland.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here