Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah u daah furtey Tallaalka ka hortagga COVID-19  “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta si rasmi ah u dah furtey Tallaalka ka hortagga Cudurka COVID-19 ee Nocyada ASTRAZENECA iyo J&J

Daahfurka Tallaalka waxaa ka soo Qeyb-galey Ku-simaha Madaxweynaha Koomfur Galbeed ahma Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka. Wakiilo ka kala socdey Hay-adaha SOS.iyo WHO.iyo Mas’uuliyiinkale.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed  ayaa Xiligan wadaan Qorshooyinkii Tallaalkan lagu gaarsiin lahaa Dhammaan Degmooyinka Koonfur Galbeed si looyareeyo Faafitaanka Cudurka COVID-19.