Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Tababar Wacyigelin ah oo karoona fayrus ku saabsan u qabatay Saxafiyiin+Sawirro

Inta badan wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galay shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka u jeedkiisuna ahaa qaabkii la isaga kaashan lahaa ka wacyigelinta bulshada  cudurka qatarta ku haya dunida ee korona fayrus oo saameeyay in kabadan 60 dal, islamarkaana ay u geeriyoodeen In kabadan Seddex kun oo qof.

Wasaaradda oo gudaneysa waajibaadka ka saaran ilaalinta badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa bahda saxaafadda la wadaagtay warbixno kala duwan oo cudurka ku saabsan sida qaabka looga gaashaaman karo, sida loo kala qaado iyo  sida ugu haboon ee Looga hortagi karo Waxaana bahda warbaahinta laga codsaday  Inay xogta la xiriirta xanuunkan ay kasoo xigtaan wasaaradda caafimaadka si looga fogaado In warar aan sugneyn loo gudbiyo bulshada taas oo ay ka dhalan karto qatar badan.

Axmed Aadan Maxamed  Agaasimaha caafimaadka Guud ee wasaarada caafimaadka ayaa sheegay In illaa iyo hadda uusan jirin wax kiisa oo ku saabsan cudurkaan oo ay diiwaan galiyeen, wuxuuna ku baaqay in si wadajira looga hortago cudurkaan.

Agaasimaha Guud ee wasaarada caafimaadka Dr Cabdullahi Xaashi Cali ayaa sheegay  In wariyaasha loogu baahanyahay inay qeyb weyn ka qaataan badbaadada shacabkooda kana ilaaliyaan xogaha been abuurka ah ee qalqalka abuuri kara.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa xustay inay ku howlanyihiin ka hortaga cudurka Korona fayrus Waxeyna dhinaca kale ka hadashay Waxa wasaaradda uga qorsheysan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban qaar kamida dalalka uu cudurku ka dilaacay,iyadoo sheegtay in ay mar walba garab taaganyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa ka mida dalalka feejignaanata uga jira cudurka halista badan ee korona fayrus  oo saameeyay dalal badan,islamarkaana ay u geeriyoodeyn kumanaan ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here