Agaasimaha guud ee wasaaradda awqaafta iyo diinta oo uu waheliyo agaasimaha waaxda diinta wasaaradda ayaa bulshadda Soomaaliyeed maanta kala hadlay warbaahinta qaranka dhalashada bisha Shacbaan si loo ogaado dhalashada bisha Ramadaan.
Agaasimaha waaxda diinta waraasarada Sheekh Cali Maxamuud “Sheekh Cali Dheere” ayaa bulshadda Soomaaliyeed u jeediyay in ay soo soo sheegan dhalashada bisha Shacbaan si loo helo xiliga ku beegan tahay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
“In la soo gudbiyo wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta loo soo gudbiyo, wasaaradda Warfaafintana loo soo gudbiyo labada wasaaradooda waa ay isku xiran yihiin si loo ogaado Shacbaan waxaa uu dhashay Ramadaan loogu xosaabtamo waxaan u gudbinaynaa dadweynaheyna iyo xukuumaddaba in ay soo sheegaan bilashada Shacbaan” ayuu sheegay Sheekh Cali Dheere
Agaasimaha guud ee Wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta Xaaji Maxamed Kheyrow Aadan ayaa umada Soomaaliyeed uu ku nool gobalada dalka ugu baaqay in ay u soo gudbiyaan hadii ay arkaan dhalashadda bisha Shacbaan wakiiladda warbaahinta qaranka ee ku sugan gobaladda dalka.