Wasaaradda Ganacsiga oo hoos u dhigtay qiimaha Shatiga Ganacsiga-SAWIRRO

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaadday in hoos loo dhigay qiimaha lagu goosto ruqasadaha ganacsiga ee waddanka.

Wasiirka Wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdi Rixmaan Cabdi Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho yiri.

Wasaaraddu waxa ay qiimo dhimis ku sameysay goosashada adeegga Laysinka dajinta iyo soo dhoofinta darajada A iyo B waa 300 oo doollar halka uu ka ahaa 1,000 (Kun dollar), waxaan ka dhinnay boqolkiiba 70. Leysinka shirkadaha shisheeye ama la wada leyahay waa $3000(Saddex kun) isn waxaan dhinnay boqokiiba 70. Sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta, xawaladaha iyo dalladaha jamacadaha ee gaarka loo leeyahay laysinkoodu waa $5000 (shankun)”

Wasiirku wuxuu sidoo kale bangiyada uga digay inay xisaabaad(Accounts) u furaan, shirkado ganacsi oo aan iska diiwaan gelin wasaaradda ganacsiga.“Bangiyadu waa inaysan Account u furin shaqsi ama shirkad ruqsad ama shati aanan ka heysan wasarada ganacsiga iyo warshadaha ayuu yiri wasiirku.

IMG_1408 IMG_1410 - Copy IMG_1411 - Copy IMG_1424 IMG_1433 - Copy IMG_1434 IMG_1436 IMG_1451

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here