Wasaaradda Haweenka Soomaaliya oo furtay shir looga hadlayo xuquuqda Carruurta

225

Wasaaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka furtay Shir looga hadlayo Sharciga Daryeelka Carruurta Africa.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka socday Midowga Africa, Unicef UNCR iyo NGO-yo Gudaha iyo Dalka dibeddiisa ka shaqeeya, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Carruurta , waxaana soo qaban qaabiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquul Insaanka Soomaaliya.

Waxaa kasoo qeyb galayaasha ka doodayeen sida loo hagaajin karo Sharciga Xuquuq siinta Carruurta Africa kuwaas oo Soomaaliya kamid tahay.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Waddamada Ansixiyey Sharcigan, waxaaase yimid dib u dhac kadib burburkii Dowladii Dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka, Samra Ibraahim oo Shirkan furtay ayaa sheegtay in Sharciga Carruurta Soomaaliya faa’iido badan u leeyahay Dalka iyo Bulshada.

Faadumo Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Daryeelka ee Wasaaradda Haweeenka ayaa dhankeeda sheegtay in Wasaaaradda Haweenka ka qeyb qaadaneyso sidii loo hagaajin lahaa Sharciga Carruurta Africa.

Muddada uu socdo Shirka ayaa looga hadli doonaa qaabka Dalalka Midowga Africa ay u sameysan karaan sharciga Daryeelka Carruurta Africa.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here