Wasaaradda Isgaarsiinta oo la kulantay wakiilo ka kala socda qeybaha isgaarsiinta ee dalka

1445

Kulankani oo looga hadlay sidii  loo heli lahaa nidaam haga  shirkadaha isgaarsiinta oo ay ku jiraan kuwa baxiya adeega internetka iyo qaabkii ay u bixin lahaayeen  Canshuurta, waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta iyo mas’uuliyiin ka socota wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka. Maaliyadda, Ganacsiga iyo Xafiiska Ra’isul-wasaaraha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Axmed Xaaji Cabdi ayaa warbaahinta u faahfaahiyay waxyaabihii shirka looga hadlay, isagoo sidoo kale ka hadlay waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee looga baahan yahay shirkadaha bixiya adeegyada isgaarsiinta.

“Waxaan kale oo lagama maarmaan  ah  oo aan u sheegaynaa  dadka isticmaala adeegyadda kala duwan ee isgaarsiinta, ee ku shaqeeya  aaladda la yiraahdo farakuwansaha  in wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta ay ka soo  doontaan  ama ka qaadaan hadii ay hasytaana  iska soo shirciyeenaan   hirarka ay ku shaqeeyaan ahaato  Tvyadda ama  Raadiyaasha iyo noocyadda kala duwan Isgaarsiinta.” ayuu yiri Cabdi.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta  Jamaal Xasan Ismaciil ayaa u soo jeediyay  shirkadda isgaarsiinta in ay is diiwaan galiyaan isla markaana ixtiraamaan shirciyadda dalka  u yaala.

Kuli in la isoo shirciyeeyo oo  la  isoo diiwaangaliyo hadii ay dhici  wayso qofkii aan isa soo diiwangalinin wasaaraddu waxay u arkaysaa  qof aan waxiisa sharci aheyn,  waxaa dhaci karta in la soo xiro oo frequency-ga  laga saaro.” ayuu sheegay wasiir Ismaaciil.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here