Wasaaradda Qorsheynta oo soo bandhigtay tirada dadka Soomaaliyeed-Sawirro

3428

Munaasabadan oo ay wasaaradda  qorshaynta iyo  iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaliya ay ku soo bandigaysay natiijadda  sahanka  qiyaasta  tiradda   dadka Soomaaliyeed ee ku nool  xiligaanka 18  gobol ee Soomaaliya   ayaa maanta lagu qabta xarurta  tabarka  ciidanka  Booliska Soomaliyeed  Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Waxaana ka qayb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka  wasiirka qorshaynta,wasiir  ku xigeenka wasaaradda ,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Sahankaani  oo ay samaysay  wasaaradda qorshaynta  sanadka 2013-2014  aya lagu sheegay in qiyaasta dadka Soomaaliyeed in ay  yihiin  12.3 Milyan oo 51 % ay  yihiin  rag  halka  dhalinyaro   da’doodu ka hoosayso  35 sano ay  yihiin 75 %  tiradda dadka dalka  gudahiisa  ku barkacay  waxaa lagu sheegay 9 %, 26 % waa   reer miyi waxaa  xusid  mudan in  dadka  qiyaasta la sameeyey  aysan  ku jirin Soomaalida ku nool dalka  dibadiisa .

5 Gobol  ee ugu dadka  badan   ayaa kala  ah; 1: gobolka  Banaadir,2:gobolka Waqooyi Galbeed , 3: Shabeelaha  Hoose 4: Baay  iyo Tagdheer , halka  shanta  gobol ee  ugu dad yar ay kala yihiin; goboladda Sool,Jubadda Dhexe ,Bakool,Nugaal  iyo Jubda Hoose.

Axmed  Cilmi  agaasimaha  waaxda   Cilmibaarista  iyo  Tirakoobka  wasaaradda  qorsheynta    ayaa sharaxaya  qaabka loo sameeyey  sahanka qiyaasta   dadka soomaliyeed.

“Xogtan waxaa laga soo aruuriyay tusaale ahaan miyiga, tuulooyinka, degmooyinka iyo goobaha barakacyaasha ayaa laga soo aruuriyay, waxaa lagu tiriyay aalad la yiraahdo circling frame waa qaab aan dadkan oo dhan qof qof loo tirinaynin tiro ayaa la soo qaadanaya sidaa ayaana lagu tirinayaa waa qaab cilmiyaysan” ayuu yiri Axmed.

Prof.  Cabdulahi Sheekh Cali “Qaloocow”  oo ah wasiir kuxigeenka Wasaaradda  Qorsheynta iyo  Iskaashiga caalamiga ah   ayaa sheegay  tiradaan la soo  bandhigay ay  tahay  qiyaas  ayna tahay muhiim in  maanta lahaysto  qiyaasta tiradda dadka Soomaaliyeed.

“In maanta la heyso qiyaasta dadka Soomaaliyeed dhan walbaba ha ahaato ragga, dumar, carruur, dhalinyaro iyo waayeel qiyaas in laga heysto waa muhiim waxaana uu wax weyn ka tarayaa dadka sameeya qorshaha iyo horumarinta”. ayuu sheegay Qaloocow.

Wasiirka  Qorsheynta  iyo Iskaashiga caalamiga  Cabdiraxaan  Yusuuf Cali Ceyte ayaa tilmaamay  qiyaasta lagu sameeyey  tiradda dadka Soomaaliyeed an lagu saleyn   siyaasad  balse  lagu saleeyey  cilmi.

“Tiro koobani ma ahan mid xog ku saleysan siyaasad waa mid cilmi iyo aqoon ku saleysan si cilmi iyo aqoon ku saleysan ayaana loo aruuriyay loona soo bandhigay, marka waa in la isku khaldin wixii cilmi ah bahashana aan la siyaasadeyn, macanaheeduna ma ahan in wax kastaba ay saxan yihiin 100% talaabada xigtana waxaa ay tahay in xogtan lagu laabto la soo turxaanbixiyo laga doodo goboloda ay isku yimaadaan wixii khalad ah laga saxo” .ayuu yiri wasiirka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte  ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in maanta  la helo xogta  tiradda  umadda Soomaaliyeed la xariirta  , ayna sahlayso in  ay 2016 la qabti doorashooyin.

“Waxaa kale oo iyadana jirta waxaa la gala marxalad cusub oo ah 2016  xitaa hadii la yiraahdo doorasho ayaa la galayaaan waxaa loo baahanyahay wax laga duulo ayay noqoneysaa oo aan la dhihin intaas ayaa meesha ku nool laakiin waxaa imaan karta meel laga duuli karo”. waxaa sidaa yiri Carte.

1975 ayey aheyd markii  ugu  dambaysay ee dadka Soomaliyeed lagu sameeyey tirakoob rasmi ah  taasi  oo  tilmaamaysay  in dadka Soomaaliyeed xiligaasi in ay ahaayeen  8 Milyan.

IMG_2017 IMG_2020 IMG_2021 IMG_2028   IMG_2041 IMG_2050 IMG_2054 IMG_2055 IMG_2059 IMG_2060 IMG_2066 IMG_2071  IMG_2090 IMG_2095 IMG_2116  IMG_2137

Sawir Qaade: Ismaaciil Mukhtaar

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here