Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS oo gudoontay agab iyo qalab xafiiseed loogu talagalay Waaxda Farsamada Gacanta iyo Tababarrada ee Wasaaradda “Sawirro”.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay maanta kala wareegtay Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ) agab iyo qalab xafiiseed loogu talagalay Waaxda Farsamada Gacanta iyo Tababarrada ee Wasaaradda. Taageerradan ayaa door ku yaallanaysa dedaallada lagu horumarinayo xirfadaha iyo tababarada.

GIZ waxaa ay ka mid tahay hay’adaha caalamiga ah ee Iskaashiga wanaagsan la leh Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , iyadoo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Sadik Warfa uu dhowaan sheegay in diiradda la saarayo sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha si loo dhimo shaqo la’aanta ay wajahaan dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here